- Waxan salaamayaa Sanadka cusub Dadkeena Reer Adal meel kasta oo ay joogaan ,waxaan leehay sanad wanaagsan waxanan Ilaahey idiinka rajeynayaa barwaaqo,nabad & caano ,wadajir ,kala dambeyn ,walaaltinimo waarta ,kadib marka hore waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaanba reer Adal oon uga tacsiyadeynayo dhammanba dadkiinii ku shahiidey kacdoonkii ka dhacey Borama iyo Adal guud ahaanba Allaha u naxariisto dhammaantood inakana Samir iyo iimaan Allaha inaka siiyo intii ku dhawacanteyna Allaha shaafiyo –Aamiin.
Waxan aad ugu faraxsanahey sida dadkeenu ugu sara joogsadey qadiyadda Adal iyada oo aan loo kala hadhin Siyaasiyiin ,Suldaano,Aqoonhahan,waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshadeena ,waxa kale oo mahad mudan qaybta warbaahinta ee loo yaqaan ( الرابعة السلطة ) ee reer Adal inteeda hufan ee Suldaanada iyo Siyaasiyiintu wax u sheega ee aan caayin taa macnaheedu maaha yaan la falanqeyn ama aan lakala hufin (criticism ) ee web site yadeena qaar si hooseysa oo cay ah wax u qora ayaa jira Allaha aqoonta ha u kordhiyo Aamiin.
Aniga waxey ila tahey marka faallo la qorayo yaaney ka maqnaan tusmo iyo wax sheeg ,waxey ila tahey,iyo weliba taa tanaa ka roon IWM.
Ugu dambeyn waxan Ilaahey ka beryayaa Sanad wanaagsan iyo Zeylac oo la Camiro.
Sanad wanaagsan 2013
Mohamed Abu baker Osman




January 3rd, 2013
admin
Posted in 

Amin Arts
Awdal Press
Borama News