War deg deg ah:- Wafti ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Suldaan Saleebaan oo si weyn galabta loogu soo dhaweeyey Magaalada Borama.

Sul.Saleebaan-300x199

SawNews:- Borama- Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa immika soo gaadhey xarunta gobolka Awdal ee magaalada Borama.

Dadweynaha ku nool Borama ayaa waftiga si weyn u soo dhaweeyey waxaanna gudaha magaalada immika ka socda dammaashaad iyo dabaaldeg aad u ballaadhan iyagga oo bulshada ku nool Borama aad ugu faraxsan yihiin tallaabadii geesinimadda laheyd ee uu qaadey Suldaanku kadib marii uu degmada Saylac u tagey in si deg deg ah loo dhaariyo Xildhibaanadii golaha deegaanka ee Magaalada Saylac.

Gaadiid fara badan ayaa waftiga lagaga soo galbiyey duleedka magaalada Borama halka qaar kale ay waftiga kaga hortageen magaalada Quljeed waxaanna markii ay soo gaadheen Borama lagu soo wareejiyey jidadka waa weyn ee dhex mara gudaha Magaalada Borama.

Suldaanka iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa saaka ka soo kicitimey xarunta gobolka Salal ee magaalada Saylac halkaas oo ay kaga qeyb galleen dhaarintii Xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Saylac warkan oo Faah faahsan goor dhaw kala soco Shabakada Caalamiga ah ee Camuudnews.

Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

  • RSS Somali News